Dawladda Jabuuti ayaa si caro leh uga jawaabtay codsi uu madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka jeediyey magaalada Asmara, kaasoo ahaa in Eritrea laga qaado cunaqabatayntii saarnayd tan iyo sannadkii 2009.

Dawladda Jabuuti ayaa si caro leh uga jawaabtay codsi uu madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka jeediyey magaalada Asmara, kaasoo ahaa in Eritrea laga qaado cunaqabatayntii saarnayd tan iyo sannadkii 2009.

Hadalka oo ahaa qoraal ay soo saartay safaaradda Jabuuti ee Muqdisho, kuna qornaa Af Ingiriis, ayey Jabuuti ku sheegtay in Soomaaliya ay xaq u leedahay inay xiriir diblomaasiyadeed la yeelato Eritrea, “laakinse wax la ogolaan karo ma aha in walaalaheen Soomaaliya ay taageeraan Eritrea oo ku jirta qayb dhulkeenna ka mid ah, welina beeninaysa inay hayso maxaabiis reer Jabuuti ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay qoraalka ku sheegtay Jabuuti inay fiicnaan lahayd in madaxweynaha Soomaaliya uu hadalkiisa ku xuso dhibaatada xudduudda ee u dhaxaysa Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Eritrea, oo waddankana uu xal nabadeed u raadiyo khilaafka.

“Jabuuti dhib weyn ayaa ka soo gaaray, waxayna ku weyday rag iyo dumar geesiyaasheeda ah dagaalkii dhex maray Jabuuti iyo Eritrea” ayey ku tiri Jabuuti qoraalka, waxayna intaa ku dartay inay si dhab ah u qaadanayso taageerada ay Soomaaliya taageertay Eritrea.

Waxaa qoraalka lagu soo gabagabeeyey hadal adag oo ah in Jabuuti aysan u dulqaadan doonin “wadahadalladaas naxariis la’aanta ah, ayadoo raggeenna iyo dumarkeenna ay weli halkaa joogaan oo ay difaacayaan amniga iyo deganaanshaha Soomaaliya”

Farmaajo iyo Afwerki

.Nuqulka qoraalka ay Jabuuti soo saartay oo ay BBC heshay

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s