Qarax Caawa ka dhacay Magalada Buhoodle..

Naftii halige isasoo miidaamyey ayaa isku qarxiyey baabuur ay saaraayeen masuuliyiin isugu jira siyaasiyiin, saraakiil ciidan iyo odayaal deegaanka ah.

Waxaa loo malaynayaa in bartilmaameedku ahaa masuuliyiinta baabuurka saaraa oo kala ah.

Cabdifataax Maxamed Cali (Rotman) oo soo noqday lataliyaha Ra’isal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo arimaha siyaasada uu kala talin jirey, Axmed Maxamuud Doolaal oo ahaa wasiirkii hore ee armaha gudaha Khaatumo iyo Col Cabdiraxmaan Cabdilaahi Axmed Nuur (Afweyne) oo kamid ah saraakiisha ciidamada Puntland ee gobolka Cayn.

Baabuurka ayuu is hortaagey naftii haligaha qaraxa fuliyey kadibna baabuurka ayaa istaagey sidaas ayuuna isku qarxiyey.

Khaasare dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa waxaana la xaqiijiyey geerida AUN Cabdifataax Maxamed Cali (Ina Rotman) iyo Axmed Maxamuud Doolaal oo soo noqday wasiirkii arimaha gudaha Khaatumo.

Waxaa la helay Maydka qofka loo malaynayo inuu is qarxiyey oo wajigiisu badqabo halka jidhkiisa kale googo’ay walina ma jirto cid aqoonsatay qofka uu yahay wajigan la helay ee qofka wax qarxiyey.

Waxaa dhaawac culus soo gaarey Yuusuf Cismaan Baxnaan (Dhagcas) oo kamid ah odayaasha deegaanka sida weyn looga yaqaano, iyo Col Cabdiraxmaan Afweyne oo isagu dhaawac sahlan qaba. iyo darawalkii baabuurka masuuliyiinta waday.

Ninkan Dhalinyarada ah ee loo adeegsaday Qaraxan Ayaa ah kan sawirkiisu ka muuqdo Hoo

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s