War naxdin leh: Askari ka tirsan ciidanka Booliska oo lagu dhex dilay masaajid ku yaalla Muqdisho

Askari ka tirsan ciidanka Booliska ayaa caawa fiidkii lagu dhex dilay masaajid ku yaal degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan askariga ayaa la dilay, xilli uu u taagnaa rakacadii u dambeysay ee Salaadii Cishaha.

Dad goobjoogayaal ayaa u sheegay Idaacada Risaala in askariga laga toogtay dhabarka dambe, waxaana ninkii dilka geystay ka baxsaday goobta, isagoo horay u qaatay qori uu watay askariga.

Wararka ayaa intaa ku daraya in rasaasta markii gudaha masaajidka laga maqlay ay argagax ku riday jameecadii Masaajidka oo qaarkood kala cararay.

Dhacdadan ayaa ka mid ah dhacdooyinka fara ku tiriska ee ka dhaca dalka, iyadoo horay dad kala duwan masaajid dhexdiisa lagu dilay, halka dadka kalena la gaado marka ay masaajidka ka soo baxaan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s