War saxaafadeed ku qornaa afka Carabiga oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu taageeray mowqifka Sacuudiga ee diidmada faragelinta Canada.

War saxaafadeed ku qornaa afka Carabiga oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu taageeray mowqifka Sacuudiga ee diidmada faragelinta Canada.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay xaaladihii ugu dambeeyay ee ku soo kordhay xiriirka Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo Canada”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

“Iyadoo laga ambaqaadaayo arrinkani, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa taageeridda mowqifka diidmada ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee faragelin dibadeed oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha, iyadoo la tixgelinayo mabda’a aan oggolaanayn faragelin ee lagu caddeeyay Axdiga Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto gobonnimadeeda iyo madax bannaanida go’aan gaariddeeda iyo waxa ay jideyso oo ah siyaasado ama habab garsooreed oo xiriir la leh shuruucdeeda qaran.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay rajeyneysaa Riyadh iyo Ottawa inay ka gudbaan khilaafaadkooda si xiriirkoodu u sii socdo oo saldhig u ah kalsooni iyo xushmad is dhaafsi.

Canada ayaa todobaadyo ka hor ugu baaqday dowladda Sacuudiga inay sii deyso dadka u dhaq dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo xuquuqda haweenka oo ay dhowaan xabsiga u taxaabtay, waxaana ka mid ah haweeney caan ah oo lagu magacaabo Samar Badawi.

Dowladda Sacuudiga ayaa aad uga carootay hadalka Canada, waxaana ay joojisay dhammaan iskaashigii ganacsi iyo maalgashi ee labada dal u dhaxeeya, iyadoo u yeeratay Safiirkeeda, isla markaana ku amartay in muddo 24 saac dalka uga baxo safiirka Canada u fadhiya Riyadh

Ma ahan markii u horeysay ee dowladda Soomaaliya ay taageerto mowqifyada Sacuudiga ka qaadato dalalka reer galbeedka ee faragelinta ku sameeya arrimaheeda gudaha, waxaana sanadkii 2015 ay dowladda Soomaaliya cambaareysay faragelinta Sweden ku sameysay dalkaas.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s