Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in dhibaatooyin ay ka jiraan wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo,

Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in dhibaatooyin ay ka jiraan wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, isagoo ugu baaqay dowladda dhexe inay si degdeg ah arrintan wax uga qabato.

Xildhibaan Afaraale ayaa sheegay in kormeer ay ku tageen degmada Afgooye, Daafeed iyo Baydhabo, isagoo xusay in dadka shacabka iyo ganacsatada ay dhibaato ku qabaan maleeshiyaad ku labisan dareyska ciidamada.

Waxaa uu sheegay in xogta ay soo uruuriyeen iyo waxyaabihii ay ku soo arkeen ay la wadaagi doonaan Baarlamaanka Federaalka oo ay la sugayaan inta uu ka furmayo sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka ayaa ku baaqay in laga qaado ciidamada ku sugan wadadaas, isla markaana dowladdu ay geyso ciidamo rasmi ah sida uu yiri.

Dhibaatooyinka ka jira inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo ayaa todobaadyadii u dambeeyay isa soo tarayay, waxaana dadka ku safra wadadaas ka cabanayeen kufsi iyo dhac loo geysanayay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s