Wasiirkii hore Arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa uga digay dowladda Federaalka inay faragelin ku sameyso doorashada dhowaan ka dhaceyso Dowlada Puntland 2019.

Wasiirkii hore Arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa uga digay dowladda Federaalka inay faragelin ku sameyso doorashada dhowaan ka dhaceyso Dowlada Puntland 2019.

Juxa oo xalay magaalada Garowe kaga dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Puntland galeyso doorasho u gaar ah oo masiirkooda iyo rabitaankooda ku dhisan. waxaan uga digeynaa dowladda Federaalka iyo cid kasta in aysan arrintan fargelin aanay ku samayn”ayuu yiri Juxa.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay qorshahiisa siyaasadeed iyo waxyaabaha muhiimadda uu siinayo haddii uu ku guuleysto doorashada, waxaana uu dhaliil xooggan u jeediyay Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas.

Cabdi Faarax Juxa ayaa ka mid ahaa Golaha Wasiirada uu sanadkii hore magacaabay Ra’iisul Wasaare Kheyre, hase ahaatee waxaa xilka laga qaaday horaantii bishii Janaayo ee sanadkan, kaddib sagaal bilood oo uu hayay xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.

Digniintaas ayaa ku socota cidkasta oo isku dayeysa inay fargerlin ku samayso doorashada Puntland 2019. wuxuuna farta ku fiiqay si gaar ah DFS .

Horseed Media

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s