Axmed Madoobe oo ka hadlay Saraakiishii NISA ee laga celiyay Kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, kaddib safaro uu ku tagay dalalka Kenya iyo Itoobiya ayuu kaga hadlay arrimo ka mid ah Ammaanka.

Axmed Madoobe ayaa ka hadlay Taliyeyaashii NISA ka socday ee shalay lagu xayiray Garoonka Kismaayo, saakayna dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho, isagoo ku dhaliilay dowladda Federaalka in aanay maamulkiisa kala tashan.

Waxaa uu sheegay in maamulkiisa aan lagala tashan Taliyeyaasha la soo magacaabayo, taasoo ka hor-imaanaya heshiisyadii amniga ku saabsanaa ee ay wada gaareen dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in nasiib darro ay tahay in dowladda Soomaaliya qeyb ka noqoto amni darada ka jirta dalka.

Is faham waaga u dhaxeeyay dowladda Federalka iyo maamulka Jubbaland ayaa muddooyinkii u dambeeyay isa soo tarayay, iyadoo uu xumaaday wada shaqeyntii labada dhinac u dhaxeeyay, waxaana jiray eedeymo uu Axmed Madoobe u jeediyay dowladda Federaalka oo ahaa inay faragelin ku heyso maamulkiisa.

Maalintii shalay ayay aheyd markii Ciidamada Ammaanka Jubbaland ay ku xayireen Garoonka Kismaayo Labo sarkaal oo Hey’adda NISA u magacawday Taliyaha Nabadsugida Jubbaland iyo kuxigeenkiisa, waxaana saaka saraakiishaas dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s