Ciidamo fara badan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa maanta barqadii gudaha u galay xaafadaha magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose

Ciidamo fara badan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa maanta barqadii gudaha u galay xaafadaha magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasoo ciidamo ka tirsan dowladda oo aan badneyn ay horey ugu sugnaayeen.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada uu hogaaminayo Jen Caanood, oo maalintii Khamiista xilka Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka looga qaaday digreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.

Ciidamada ayaa baaritaano ka sameeyay xaafado ku yaala magaalada Marko, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen, waxaana ciidamada la ogeyn ujeedada ka dambeysa tagitaankooda magaalada.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qorshaha ciidamada ay u tageen magaalada Marko, Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada ay yihiin kuwo howlgalo ka waday Shabeelaha Hoose, maantana ay tageen magaalada Marko.

Jen. Caanood ayaa la sheegay inuu ka careysnaa Xil ka qaadistii lagu sameeyay maalintii Khamiista la soo dhaafay, waxaana uu kaddib gaaray deegaanka Shalambood ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada uu wato Jen. Caanood ay fariisimo ka sameysan doonaan Marka iyo agagaarkeeda oo howl gallo laga sameyn doono.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s