Xildhibaan C/qaadir Gaafow Maxamuud oo ka mid ahaa Xildhibaanadii sanadkii 2016 laga soo doortay degmada Cadaado ayaa iska casilay xubinnimadii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Xildhibaan C/qaadir Gaafow Maxamuud oo ka mid ahaa Xildhibaanadii sanadkii 2016 laga soo doortay degmada Cadaado ayaa iska casilay xubinnimadii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Sida uu shaaciyay Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaran, Xildhibaan C/qaadir Gaafow ayaa iska casilay Xildhibaanada sabab aan la sheegin.

Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay inuu bilaabay howsha soo buuxinta saddex kursi oo ka banaan Golaha Shacabka, kuwaasoo doorashadooda ka dhaceyso magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb.

C/qaadir Gaafow ayaa ka mid ahaa illaa sideed kursi oo la doortay sanadkii 2016, kuwaasoo doorashadooda sharciyadooda shaki la geliyay, waxaana Guddiga xalinta khilaafaadka ay soo saareen in dib loogu celiyo, iyadoo doorasho ku celis ah ku galay magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kursiga uu banneeyay Xildhibaan C/qaadir Gaafow uu isku sharaxi rabo walaalkiis Jen. C/llaahi Gaafow oo sanad ka hor laga qaaday Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka.

Guddiga doorashooyinka ayaa dhowaan doorashada kursigan ku qaban doona magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s