Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sameeyay magacaabidii u horeysay

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sameeyay magacaabidii u horeysay inta uu xilka hayo, isagoo magacaabay Xoghayaha Joogtada Wasaaradda iyo Agaasime ka tirsan Wasaaradda.

Sida wararku sheegayaan magacaabidan ayaa ah tii u horeysay nooceeda oo hal mar Wasiir uu ku magacaabo Xoghaye Joogto iyo Agaasime, kaddib shaqo joojin iyo magacaabis dhaliyay soo taxnaa tan iyo Xukuumaddan jirtay, kuwaasoo dhaliyay muran xooggan, iyadoo bishii May uu Ra’iisul Wasaaraha soo saaray wareegto uu ku farayo Wasiirada inay ku soo wargeliyaan ka hor inta aanay shaqo joojinta ku sameyn Xoghayaasha Joogtada iyo Agaasimayaasha ayaa waxaa loo magacaabay C/qaadir Axmed Warsame, waxaa xilkaas hayay oo laga qaaday Cabdi Diirshe, waxaana wararku sheegayaan in Wasiirka iyo Xoghayaha xilka laga qaaday aanay in muddo xiriirkooda wanaagsaneyn.

Sidoo kale Wasiir Jamaal oo ka mid ah Wasiirada ugu saameynta badan Xukuumadda ayaa waxaa uu Agaasime u magacaabay Asad Yuusuf Afrax oo ahaa La Taliyihiisa, waxaana booska loo magacaabay horay u hayay C/qaadir Axmed Warsame oo Xoghayaha Joogtada Wasaaradda noqday.

Magacaabida Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Qorsheynta ayaa u dhacday qaabka awood qeybsiga beelaha ee Xoghayeyaasha joogtada iyo Agaasimayaasha Wasaaraddaha.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s