Warbixin lagu daabacay wargeyska The Guardian ayaa  lagu sheegay in waalidiinta Soomali Britishka ah ay caruurtooda geeyaan dalka Soomaaliya,,,,,

Warbixin lagu daabacay wargeyska The Guardian ayaa  lagu sheegay in waalidiinta Soomali Britishka ah ay caruurtooda geeyaan dalka Soomaaliya iyagoo iska dhigaya inay dalxiis u tegayaan balse ku xira  xarumo dhaqan celin ah kadibna ku qasba guur.

Wasaarada Arrimaha Gudaha ee dalka Britain ayaa u aqoonsan xarumaha dhaqancelinta ee ka furan dalka Soomaaliya inay yihiin xabsiyo yar-yar maadaama dhalinyarada la geeyo aysan helin waxbarasho manhaj la yaqaano leh.

Madaxa qeybta u qaabilsan Wasaarada Arrimaha Gudaha dowlada Britain  Guurka Qasabka ah David Myers ayaa u sheegay wargeyska The Guardean:“Waxa aan arkeyno waa dhalinyaro loogaga shakiyo inay kooxaha gangistarada ku biiraan ama ay isticmaalaan daroogada in dib loogu celinayo Soomaaliya si dhaqancelin loogu sameeyo,”

“Xarumaha Soomaalidu taqaan Dhaqan Celis annagana aan u naqaan xarumo dadka lagu xiro, Waxa aan heleyno waa warar sheegaya in jirdil,faroxumeyn,maskax dil lagu sameeyo xarumahaas.” Ayuu sii raaciyay.

David Myers ayaa sidoo kale u sheegay wargeyska Guradian in dhalinyarada Soomaalida ah eek u jira xarumaha dhaqan celinta in loo sheego habka kaliya ee loogaga soo saarayo xarumahaas inay tahay in loo guuriyo qof jooga Soomaaliya.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in sanadba sanadka ka sii dambeeya ay sii kordheysa tirada carruurta Soomaalida ah ee dib loogu soo celinayo Soomaaliya kadibna loo guurinayo qof

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s