Abu Mansuur Oo Madaxweyne Isku Sharaxay & Dalal Waa Weyn Oo Taageero Umuujiyey

Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali Abu Mansuur ayaa ah Shakhsi si weyn loogu yaqaano Hardankiisii Dagaal Ee Jabhadeynta Soomaaliya 10-kii Sano Ee Lasoo dhaafay.

Rooboow Abu Mansuur ayaa hadda waxa uu doonayaa inuu Madaxweyne isku soo sharxo Maamul Gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxa warar lagu kalsoon yahay ay Widh Widh Online usheegeen in Rooboow uu ka imaanayo maalmaha soo socda Sacuudiga uu Xajka uga qeyb galay Sanadkaan.

Waxa uu kadib Imaanshihiisa Xamar ku dhawaaqi doonaa inuu murashax yahay islamarkaana uu rabo hogaaminta Shacabka K/galbeed Soomaaliya.

Abu Mansuur Rooboow ayaa waxa lasoo warinayaa in Mareykanka,Turkiga iyo Ereteria ka heysta Taageero inuu madaxweyne noqdo.

Waxa sidoo kale uu taageero ka helayaa Madaxda Dawlada Federaalka Soomaaliya,taasi oo macquul ah in Shariif Xasan uu Culeys weyn la kulmo.

Mukhtaar Rooboow Abu Mansuur ayaa tegay Turkiga,Sacuudiga iyo Ereteria lana kulmay Shakhsiyaad uu u arkay inay guushiisa sahal ka dhigi karaan.

Abu Mansuur ayaa dadka qaar ku Xasuustaan daadinta Dhiiga Shacabka Soomaaliyeed muddo 10 Sano ku dhaw uu Al Shabaab iyo Maxkamadihii Ku jiray.

Sanadkii hore 2017 ayuu Muqdisho kaga dhawaaqay inuu yahay mid ka baxay Sanado ka hor Shabaab oo mabda’ahaan uu diidanaa sida wax lagu waday uuna kasoo baxsaday,kaas oo dagaal lagu qaaday meel uu kaga sugnaa Baadiyaha Gobolka Bakool

File photo of Robow Abu Mansur from when he was the spokesperson for Somalia's Al-Shabaab militant group in 2008.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s