Cabdi Maxamuud Cumar Iyo Afar Masuul Oo Kale Oo Maxkamad Lasoo Taagay

Maxkamadda Sare ee Itoobiya ayaa waxaa la horkeenay Cabdi Maxamuud Cumar, madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida iyo afar mas’uul kale oo maamulkiisa hore uga mid ahaan jiray.

Sida ay tabinayso warbaahinta dowladda Itoobiya, Cabdi iyo dadka kale oo ay haweenay ku jirto ayaa loo heystaa dambiyo la xidhiidha ku xad gudubka xuquuqda aadanaha iyo kicin rabshado qoowmiyado ka dhaxeeya.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa laga xidhey guri ku yaalla magaalada Addis Ababa 27-dii bisha, kadib markii maalin ka hor baarlamaanka deegaanka uu xasaanaddii ka qaaday isaga iyo 6 mas’uul oo kale.

Lama oga in Cabdi qareen loo ogolaaday iyo in kale, balse waxa ay u muuqataa in la mariyay nidaamkii madaniga ahaa ee habraaca garsoorka, taas oo ah in dacwadda marka hore furo xeer illaaliyaha, booliiska xidhaan, kadibna maxkamad ka geeyo 24 saac gudahood.

Source: BBC

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s