Alshabaab oo dilay Taliye uu dhalay Wasiiru dowlihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya

Al Shabaab ayaa laba qof oo shacab ah waxa ay ku dileen gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib weerarkii xooganaa oo ay xalay saq dhexe ku qaadeen degmadaasi.

Shabaab labadan qof ee ay dileen ayaa waxa ay ahaayeen dad goobo ganacsi ku lahaa aagga fariisinka Makayga oo xalay uu weerarka ka bilawday, waxaana lagala soo baxay goobahooda ganacsi oo ay jiifeen.

Dadka degaanka ayaa sidoo kale ku waramay in gudaha degmada saakay lagu arkay qof gawracan oo la garan waayay, kaasi oo loo maleynayo inay gawraceen Shabaabkii xalay weerarka fuliyay.

Askartii xalay lagu dilay weerarka waxaa ka mid ahaa wiil uu dhalay Wasiiru dowlihii Madaxtooyada Soomaaliya Khaliif C/qaadir Macalin Nuur oo ahaa Taliyihii ciidanka ku sugnaa fariisinka Mukayga, waxaana lagu magacaabi jiray Cumar.

Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa hawlgallo gaar ah ka wada goobihii xalay uu ka dhacay weerarka, waxayna ku daba jiraan Shabaabakii weerarka soo qaaday.

Al Shabaab ayaa bishiiba mar ama laba mar waxa ay weerar ku qaadaan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, Koonfur Galbeed weli xal uma aanay helin weerarada Al Shabaab.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s