Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa gaaray magaalada Kismaayo

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa gaaray magaalada Kismaayo, iyagoo ka qeybgalaya shirka madaxda maamul goboleedyada ee ka dhacaya magaalada Kismaayo.

Madaxdan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ku soo dhoweeyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Waxaa la filayaa in dhowaan ay gaaraan magaalada Kismaayo Madaxda maamulada Puntland iyo Koofurgalbeed.

Shirka madaxda maamul goboleedyada  oo lagu wado inuu berri ka furmo magaalada Kismaayo ayaa looga hadlayaa ismaandhaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, gaar ahaan khilaafka u dhaxeeya  Maamulka Jubbaland iyo Dowlada Federalka.

Shirka maamul goboleedyada ayaa noqonaya kii 3aad oo ay isugu yimaadaan tan iyo markii sanadkii hore lagu dhisay Kismaayo Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s