Shirkii Magaalada Kismaayo oo furmay iyo Madaxweynaha Jubbaland oo dhaliil u jeediyay dowladda

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland, ayaa waxaa si toos ah uga furmay Shirka Madaxda Maamul Goboledyada oo looga hadlaayo arrimo kala duwan.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ka hadlay Shirka ayaa ku dheeraaday Khudbadiisa, wuxuuna ka hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka gaabisay dowladda Federalka Somaliya.

Axmed Madoobe ayaa kala dul dhacay dowladda dhaliil ku aadan dhanka ammaanka, wada shaqeynta Maamul Goboledyada iyo hanaanka qaybsiga dhaqaalaha Dowladda dhexe iyo dowlad Goboledyada.

Axmed Madoobe wuxuu sheegay marka laga hadlaayo ammaanka in dowladda Somaliya ay ku fashilantay suggida ammaanka, islamarkaana aysan waxba ka dhaqangelin Shirarkii amniga ee la isugu tagay Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Wuxuu sheegay dowladda dhexe muddooyinkii u dambeeyay wax dhaqaale ah inaysan ka helin, isaga oo cadeeyay in Baarlamaanka Jubbaland iyo Golaha Wasiirada intaba aysan mushaar qaadan Shantii bilood ee la soo dhaafay.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo Shirka ka hadlay, ayaa wuxuu sheegay hanaanka doorashada ee dalka ka dhaceyso muhiim inay tahay in aad looga fekero.

Wuxuu tilmaamay habka doorashada u dhaceyso ee Guddiga Doorashooyinka ay wadaan inay muhiim tahay inay la socdaan madaxda Dowlad Goboledyada dalka ka jira, islamarkaana aysan noqon arrin ku kooban dowladda dhexe iyo Guddiga Doorashada kaliya.

Shirka oo socda ayaa waxaa Khudbado kala duwan jeedinaya Madaxweynayaasha maamul Goboledyada ka qayb galaya Shirka oo ku sugan madasha.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s