Fahad Yaasiin oo gacan weyn ka heleya Qadar oo isbedel aan horay loo arag ku sameynaya Hay’adda NISA

Hay’ada Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya Ee NISA ayaa la doonayaa in isbadel weyn lagu sameeyo Nidaamkeeda Shaqada.

Dhawaan waxaa la ceeriyey Saraakiil Xilal muhiim ah heysay,ayna ku jireen C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Cabdalla Cabdalla.

Waxa lasoo warinayaa in Qorshahaasi uu wato Fahad Yaasiin oo Xilka Agaasime Kuxigeenka NISA loo Magacaabay.

Fahad Yaasiin ayaa doonaya inuu Qatar ka helo Taageero muuqata oo lagu Dhisayo Ciidan Dhar Cad ah oo Amniga suga.

Saraakiil kasocotay Sirdoonka Qatar ayuu la kulmay islamarkaana la isla qaadaa dhigay Qodobo Dhowr Ah.

Waxaa ka mid aheyd in 300 Lagu bilaabo Askarta dharka Cad oo tababar loo sameenayo kuwaas oo loo qaadayo Magaalada Doxa Ee Dalka Qatar.

Hadii lagu guuleysto waxa sidoo kale Sudan loo diri doonaa Ciidan kale oo Nabad Sugida loo tababarayo kadibna lagu soo celinayo Muqdisho.

Saaxiibka 1aad Ee Madaxweyne Farmaajo waa Fahad Yaasiin waxaana la sheegay in uu ka dhigayo NISA Hay’ad Awood Badan waloow dhawaan Hubkii NISA lagu wareejiyey Booliska sida uu xaqiijiyey R/wasaare Xasan Cali Kheyre

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s