Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta qaadacay ka qeyb galay munaasabadii wadajirka aheyd ee furitaanka kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka Labada Aqal.

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta qaadacay ka qeyb galay munaasabadii wadajirka aheyd ee furitaanka kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka Labada Aqal.

Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 4aad ayaa maanta oo isniin ah loo balansanaa in si wadajir ah labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare loogu furo kalfadhigooda 4aad ee taxanaha ah.

Qaar ka mid ah senator-ada Aqalka Sare ayaa inoo sheegay in kalfadhigooda aanu maanta furmi doonin, isla markaana maalinta berri uu furmi doono.

Labadii Kalfadhi ee u dambeeyay ayaa si wadajir ah loo furay kalfadhiyada Baarlamaanka Labada Aqal.

Hase ahaatee kalfadhigan oo hal mar uu furi lahaa Madaxweyne Farmaajo ayaa labo maalin kala furmi doona labada Aqal, taasoo muujineysa in labada Aqal xiriirkooda hagaagsaneyn.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Golaha Aqalka Sare uu muujinayo in aanu ku milneyn Golaha Shacabka.

Aqalka Sare oo ka kooban 54 Senator ayaa marka loo eego saameynta dhanka siyaasadda waxaa kaga xooggan Golaha Shacabka oo inta badan u idman howlaha la xisaabtanka hey’adaha dowladda, gaar ahaan Xukuumadda

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s