Wasiirka Qorsheynta Jubbaland Aadan Aw Xirsi ayaa sheegay in aanay ka qeyb galeyn shirka Golaha Amniga Qaranka oo uu maalin ka hor ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wasiirka Qorsheynta Jubbaland Aadan Aw Xirsi ayaa sheegay in aanay ka qeyb galeyn shirka Golaha Amniga Qaranka oo uu maalin ka hor ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ayuu ku sheegay in aanay ka qeyb geli doonin shirka Golaha Amniga Qaranka ee lagu xayeysiiyay Barta Twitter-ka ee Villa Somalia.

Maamulka Jubbaland ayaa soo saaray awaamiirtii u horeysay ee ku wajahan Wasiirada maamulkiisa inay gebi ahaanba hakiyaan wada shaqeyntii u dhaxeysay hey’adaha dowladda Federaalka, taasoo ka dambeysay war murtiyeedkii shirka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa Sabtidii la soo dhaafay lagu sheegay in Madaxweynuhu uu shir wadatashi ah uu isugu yeeray Madaxda maamul goboleedyada, saacado kaddib war murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Maamul goboleedyada ee Kismaayo, kaasoo ay ku hakiyeen wada shaqeyntii kala dhaxeysay dowladda Federaalka.

Khilaafka iyo mad-madowga siyaasadeed ee u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa gaaray heerkii ugu xumaa, tan iyo markii sanad ka hor la aas aasay Gole ay ku mideysan yihiin maamul goboleedyada.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s