Aqalka sare oo soo fara geliyay khilaafka Maamuul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe

War murtiyeed kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maanta guddiga joogta ah ee aqalka sare kulan ay yeesheen ay kasoo saareen qodobo dhowr ah oo ku saabsan arrimaha dalka ka taagan.

Guddiga waxay isku waafaqeen in wufuud loo kala diro dhammaan maamul goboleedyada si ay u xalliyaan khilaafka hadda ka dhex taagaan maamul goboleedyada iyo Dowladda dhexe.

Guddiga joogtada ah ee aqalka sare ayaa ugu baaqay dowlad goboleedyada inay si deg deg ah u joojiyaan mooshinka ka dhanka ah madaxda maamul goboleedyada qaar islamarkaasna la raadiyo nabadda iyo wada shaqaynta.

Waxayna sidoo kale ugu baaqeen mas’uuliyiinta dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe inay ka fogadaan taallabo kasta oo hurin karto khilaaf

.9fe634a8-b6ed-4ab4-bd63-fda961708bfd

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s