Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed oo Maanta si rasmi ah Xiriirka ugu jartey dowlada Farmaajo

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegtay iyada oo tixraaceysa shirkii magaalada Kismaayo lagu soo gaba gabeeyay Sabtidii ina dhaaftay inay hakisay xiriirkii wada shaqeynayd ee kala dhaxeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Go’aankan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii shalay magaalada Baydhabo kulan deg deg ah oo waqtigiisa laga soo hormariyay ay ku yeesheen Golaha wasiirada maamulkaasi, kaasi oo uu shir guddoominayay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Koonfur Galbeed ayaa dhammaan shaqaalaha wasaaradaheeda ku wargelisay in aysan wax wada shaqeyn ah la sameyn karin dowladda federaalka Soomaaliya illaa amar dambe.

Xiriirka wada shaqeynta ee dowladda dhexe & Maamul Goboledyada dalka ka jira ayaa xumaaday, wixii ka dambeeyay Shirkii Golaha Iskaashiga dowlad Goboledyada ay ku yeesheen Magaalada Kismaayo oo xiriirkii ay ugu hakiyeen dowladda Somaliya.

Sida muuqata dowlada Somaliya ayaa ku fashilantay la macaamilka Maamul Goboledyada dalka ka jira, iyadoo tani ay muujinaysa in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre Xaalad jahwareer Siyaasadeed ay abuureen.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s