Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa magaalada Hargeysa ku martiqaaday diblomaasiyiin iyo aqoonyahano ajaanib ah oo ka mid ah ajaaniibta taageersan ee u doodda qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa magaalada Hargeysa ku martiqaaday diblomaasiyiin iyo aqoonyahano ajaanib ah oo ka mid ah ajaaniibta taageersan ee u doodda qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Ma jiro war rasmi ah oo ay xukuumadu ka soo saartay martiqaadkan, laakiin warar  xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Biixi uu doonayo inuu magaalada Hargeysa shir kula yeesho diblomaasiyiintan iyo khabiiradan shisheeye. Ujeedada shirkan ayaa lagu sheegay inuu Madaxweynuhu doonayo inuu dib u soo ururiyo saaxiibadii Somaliland ee shisheeye ee taageersan una doodi jiray qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland balse ay sanadihii u dambeeyay kala xidhiidh furmeen Somaliland. Waxaana diblomaasiyiintan iyo khubaradaas loo diray martiqaad, iyadoo la filayo in shirkaasi Hargeysa ku qabsoomo bisha Oktoobar ee soo socota.

Diblomaasiyiintan iyo khubaradan, ayaa la sheegay inay aqbaleen martiqaadka Madaxweyne Biixi islamarkaana waxay xaqiijiyeen inay imanayaan Hargeysa. Khabiirada la martiqaaday waxa ka mid ah Dr.  Greg Mills oo ah khabiir u dhashay dalka Koonfur Afrika in  badana baahiyay qormooyin ku saabsan horumarka Somaliland ee kala duwan. Diblomaasiyiin wadamadooda u fadhiya wakhtigan dalal shisheeye ayaa iyaguna ka mid ah ragga la martiqaaday.

Waxa suurtogal ah in diblomaasiyiintaas iyo khubaradan oo badankoodu Somaliland ku soo xidhmay markii ay talada hayeen Marxuum Cigaal iyo Madaxweyne Rayaale, ay tallo iyo aaraah ka dhiibtaan sida ay Somaliland ula jaanqaadi karto isbedelada ka socda gobalka Geeska Afrika.

Waxaanu martiqaadkoodu imanayaa wakhtigan oo ay isbedelo waaweyn oo siyaasadeed iyo dhaqaale ka bilaabmeen gobalka Geeska Afrika.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s