M/weyne Cabdiwelli Gaas oo beri ku waaberiisan Doonna Degmadda Badhan jamacada maakhirna xadhiga ka jari doonna

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wuxuu maanta ku sii jeedaa magaalada Badhan ee gobalka Sanaag, halkaas wuxuu tagayaa iyadoo ay maalmo ka hareen mudada xil-heyntiisa aadna isha loogu hayo dhaqdhaqaaqyadiisa ku aadan Musharaxnimada uu markale xilkan u ordayo.

Madaxweynuhu wuxuu xariga ka jari doonaa Dhismaha Jaamacadda weyn ee Maakhir oo ay dhaqaalaha ku baxaysay bixisay dawladda Carbeed ee Kuwait, waxaana sidaas oo kale uu ku safrayaa wadada uu fikradeeda lahaa ee Ceerigaabo ilaa Ceel-Daahir isku xiraysa.

Waxa is waydiin leh Haddii Jamacaddii Makhir Xaddhiga lagga jaraayo  miyaysan ahayn in lagu casumo dadkii suuragelliyay oo aysan laantood qabsoonteen  aaway dowladdi Kuwait ee deeqda jamacada Bixisay maxa looggu yeedhi waayey aaway Dadkii ka soo dhirindhiriyay oo habbeen iyo Maalin u taagna siddii ay u surowbi lahayd jamacadu iyo Welliba Garoonka Diyaradaha Garowe  Aaway Oday Omar H Ali oo ah la taliyaha Amiirka Kuwait # aaway Faysal xawar

Waxa meesha ka cad in ay madaxweynaha la talliinayaan dad aan waxba ka ogayn siddii masharuuca jamacada uu ku yimi iyo waxa ka dhiman toonna

Ka sokow in uu mashaariicdaas kormeerayo Madaxweyne Gaas, waxaa wararku sheegayaan in uusan safarkiisan ka marneyn arrimaha ku saabsan doorashada Madaxtinimada ee dhacaysa sannadka nagu soo wajahan bilowgiisa.

Gobalada Sanaag & Haylaan baarlamaanka Puntland, waxaa ka soo gala 9 xildhibaan, kuwaas oo saameyn xoog leh ku leh doorashada Madaxtooyada, waxaana la rumeysan yahay in ay doorashadii 2014-kii ahaayeen kooxda kaliya ee taageerada ugu badan siisay Madaxweynaha taladda haya.

Dadka la socda siyaasadda Puntland ayaa rumeysan in Madaxweyne Gaas wax badan oo horumar ah ka qabtay gobalada Sanaag & Haylaan oo uusan ka bixin balantii uu ka qaaday Isimadda ugu waa weyn gobalkaas.

Mar kale maanta iyo berrito ayay is arki doonaan Madaxweynaha Puntland & Isimadda beelaha gobaladaas, waxaana wararku sheegayaan in ay markale ka wada hadli doonaan loolanka Madaxtinimada ee nagu soo wajahan, waxaana aan cadeyn musharaxnimada Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Laakiin falanqeeyaasha ayaa rumeysan in uu jiro damaca Madaxweynaha ee kuwajahan in uu markale taageero ka helo xildhibaanada gobalka Sanaag, uuna taasi ka doonayo isimadda oo ay xooga saarayaan sidii ay taabagal uga dhigi lahaayeen qorshahaas.

Bilo kahor wafdi ka socda dawladda Imaaraatka Carabta oo ay isku wanaagsan yihiin Madaxweynaha waqtigu kasii dhamaanayo ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxay tageen Baran oo ay kula kulmeen Isinka guud ee beesha Warsangali, waxay kala hadleen arrimo aan wali faahfaahin dheeraad ah laga bixinin, laakiin ay qeyb ka ahayd doorashada Puntland.

Si weyn ayaa loogu foogan yahay doorashada Madaxtinimada Puntland ee dhacaysa bisha January 2019, waxaana ku loolamaya musharaxiinta ugu badan ee sannadkan, iyadoo ay ku jiraan xubno horey loo soo tijaabiyey iyo kuwa hadda haya xilalka ugu sareeya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s