Gudoomiyihii Gobolka Nugaal Faraweyne oo xilkii lagga qaaday

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cumar C/llaahi Maxamed (Faraweyne) oo xilkan soo hayay saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha Gobolka Nugaal loogu magacaabay C/salaam Xasan Xirsi oo horay u soo noqday Duqa degmada Garowe, xilligii Madaxweynihii hore Puntland Cadde Muuse.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday ee Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne ayaa xilka waxaa loo magacaabay sanadkii 2015, waxaana adeer u ah Madaxweynihii hore ee Puntland Senator C/raxmaan Faroole.

Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa waxaa muddo xileedkiisa uga harsan ku dhowaad 99 maalmood, iyadoo ay ku soo fool leedahay doorasho, inkastoo aanu ku dhawaaqin inuu yahay Musharax mar kale u tartamaya xilka, hadana waxaa la hadal hayaa in magacaabidan qeyb ka tahay olole uu doonayo in mar kale uu dib ugu soo laabto.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s