Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in dowladda Federaalka diyaar u tahay in dib loo bilaabo wada hadaladii Somaliland oo hakad ku jiray labadii sano ee u dambeysay.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in dowladda Federaalka diyaar u tahay in dib loo bilaabo wada hadaladii Somaliland oo hakad ku jiray labadii sano ee u dambeysay.

Mahdi Guuleed oo wareysi siiyay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu diyaar u yahay inuu ka dego magaalada Hargeysa, lana gaaray waqtigii wada hadalku ka bilaaban lahaa dhul Soomaaliyeed.

“Madaxweyne Farmaajo wuxuu diyaar u yahay inuu ka dego magaalada Hargeysa, isagoo sida Calanka Soomaaliya”ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay arrinta wada hadalka u sameysay qorshe iyo jadwal la doonayo in xal lagu gaaro, balse arrintaas ay hakad geliyeen doorashooyinkii ka dhacay Somaliland, waxaa uu xusay inay horay isku afgarteen Mas’uuliyiinta Somaliland in wada hadalada dib loo bilaabo wixii ka dambeeya doorashooyinka Somaliland marka ay dhamadaan oo Madaxweyne la doorto.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa sidoo kale sheegay inuu jiray qorshe Madaxda labada dhinac ku kulmi lahaayeen bishii Maarso ee sanadkan, hase ahaatee uu qabsoomi waayay kulankaas arrimo farsamo awgeed iyo xiisadii ka dhalatay dagaalkii Tukaraq.

Somaliland oo sanadkii 1991 ku dhawaaqday inay tahay dal ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale, ayaa dooneysa inay hesho aqoonsi.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s