Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda Deegaanada Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay go’aankii Dowladda Federaalka ay tartanka doorashada Koonfur Galbeed kaga reebtay Sheikh Roobow Cali Abuu Mansuur

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda Deegaanada Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay go’aankii Dowladda Federaalka ay tartanka doorashada Koonfur Galbeed kaga reebtay Sheikh Roobow Cali Abuu Mansuur.

Mukhtaar Roobow oo isku diyaariyay inuu ka mid noqdo musharaxiinta u tartamaya doorashada madaxweynimo ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa is hortaag ku sameeyay Dowladda Federaalka oo sheegtay inuusan wali Muktaar Roobow dhameystirin sharuudihii iyo heshiisyadii lala galay.

Xildhibaanada qaarkood ayaa sheegay iney qalad u arkaan go’aanka,islamarkaana ay jiraan mas’uuliyiin dhowr ah oo horay uga tirsanaa Al-Shabaab balse hadda xilka ka haya Dowladda.

Abuu Mansuur oo aan u muuqan mid aan u hogaansamin amarka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s