Gabdho soomaaliyeed oo meydkooda laga helay gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka

Booliska gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay heleen meydka labo gabdhood oo Soomaali ah iyo baabuurkooda kuwaas oo habeenkii Sabtida ahayd xilli ay guryahooda u soo hoyanayeen lagu waayay magaalada Minneapolis.

Gabdhaha oo ilma adeer ahaa islamarkaana da`da 19-ka jiray ayaa lagu kala magacaabay Bushra Cabdi iyo Saynab Cabdalla, waxaana la sheegay in meydadkooda laga helay meel balli ah oo ku taal xaafadda lagu magacaabo Chaska.

Wararka horudhaca ah ayaa sheegaya in Bushra iyo Saynab oo dagganaa xaafadda Shakopee ee magaalada Minneapolis ay xilli hore kasoo tageen goobohooda shaqo maalintii Sabtida, waxayna xoogaa kadib ay waceen numbarka booliska ee 911 iyagoo caawinaad dalbanaya.

Wixii xilligaas ka dambeeyay wax juuqdooda maqlay malahan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s