Cabdi Maxamuud Cumar oo isku dayay inuu ka baxsado xabsiga

Booliska dalka Itoobiya ayaa ku sheegay in Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar uu isku dayay inuu ka baxsado xabsiga.

Cabdi Maxamuud Cumar oo maanta ka la horgeeyay Maxkamad markii 5aad ayaa waxay Boolisku sheegeen iyada oo amnigiisa iyo caafimaadkiisa loogu daneynayo in cabdi lagu xiray xabsi ku dhex yaala xarunta booliska.

Sidoo kale Booliska ayaa sheegay in Cabdi uu soo jabiyey muraayadda daaqadda qolka uu ku jiray isagoona cunaha ku dhagay mid ka mid ah askarta ilaalada uga jirtay qolka uu ku xirnaa si uu u baxsado.

Cabdi Maxamuud Cumar eedda iskudayga ka baxsashada xabsiga ee ay boolisku u soo jeediyeen ayaa beeniyay kadib markii ay Maxkamadu weydiisay.

“Falkaas ma ahan mid aan sameeyay balse eedu waa mid lagu doonayo in lagu dilo sumcadeyda

mar ay maxkamadda wax ka weydiisay ayaa wuxuu ku jawaabay “inuusan falkaasi sameeynin eedduna ay tahay mid sumcaddiisa lagu waxyeelleynayo isla markaana lagu doonayo in jirdilkiisa lagu banneysto”.

Wuxuuna intaa ku daray “Waxa laga sheegay iney been tahay shaqsi ahaanna cadaadis aad u weyn lagu hayo. Xabsi aan munaasab ahayna lagu xiray, nin maskaxda ka jirran oo ku xiran qol isaga ku dhaggan kan uu isagu ku jiro inuu 2 mar albaabka uu ku soo jabiyey oo uu waxyeella u geysan gaaray xaaladdaasina ay ammaankiisa khatar aad u weyn ku hayso.”

“Maalinna isaga oo suuli ku jira inuu nin macabiista ka mid ah uu soo weeraray” ayuu sida oo kale maxkamadda u sheegay.

“Guud ahaanna xabsiga aan ku xiranahay ma aha mid munaasab ah isla-markaana caafimaad darro uu kala kulmay.”

Dambi baaraha kiiska Cabdi gacanta ku hayana wuxuu maxkamadda horteeda uu ka sheegay “inuu Cabdi uu ku xiran yahay xabsiyada caadiga ah ee maxabiista caadiga ah lagu xiro, wax cadaadis oo si gaar ah isaga looga hayana uusan jirin.

Wuxuuna dambi baaruhu intaa ku daray “boolisku wixi dhacay markay Cabdi kala hadleen oo rabshadda xabsiga ka dhacday inuu isagu sabab u ahaa inuu qirtay isla-markaana raalli gelin uu ka bixiyey.”

Booliskuna waxay maxkamaddu weydiisteen “10 maalmood oo kale oo ay Kiiska Cabdi baaritaan dheeraad ah ugu soo sameeyaan in la siiyo.”

Ugu dambeyn, maxkamadda oo codsiga booliska aqbashay waxay u m

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s