Dagaal saaka dhexmaray bello hore loogu heshiisiiyay Gobolka Sool…..

Beelihii hore ugu dagaalamay koonfurta gobolka Sool ee dhawaan lagu heshiisayay magaalada Laascaanood ayaa saaka mar kale dagaal khasaare badan sababay ku dhex-maray deegaanka Dhumay ee koonfurta ka xigta magaaladda Laascaanood

Warar hadda naga soo gaadhaya deegaanka ay saaka ku dagaalameen labada beelood ee Baharsame iyo Qayaad ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalku istaagay, waxaana wararku intaa ku darayaan in ciidammada qaranka Somaliland kala dhex-galeen labada beelood dagaalku dhex-marayay.
Wararka aanu helayno waxa ay sheegayaan in khasaaraha dhimashada ay kor u dhaaftay 10 qof halka dhaawacuna intaa ka badan yahay sida ay sheegayaan warar soo gaadhaya Shabakadda
Salaanmedia.com

Xukuumadda Somaliland ayaa waxa ay dadaal badan u gashay sidii ay heshiis u kala dhex-dhigi lahayd labadan beelood oo dhawr jeer dagaalamay, iyada oo uu wasiirka arrimaha guduhu muddo ku sugnaa magaalada Laascaanood oo uu u joogay xalinta arrinta.
Xukuumadda Somaliland, Maamulka gobolka Sool iyo guddiga nabad-galyada wali kama hadal dagaalkan saaka ka dhacay koonfurta Magaalada Laascaanood.

Wixii warar ah ee ka soo kordha kala socda halkan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s