Dagaalkii konfurta Laascanood oo mallintisi labaad gallay….

dagaal-mudug-640x360Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta oo Salaasa ah mar kale dagaal dib uga qarxay deegaanka Dhumey oo 45km u jirta magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool. Dagaalka ayaa ah mid u dhexeeya laba beelood oo ka wada tirsan Beesha Dhulbahante.

Dagaalka saakey bilowdey ayaa daba socda kii maalintii shalay ee Isniinta halkaas dib uga qarxay. Dagaalka isniinti ayaa la sheegayaa in uu dhaliyey khasaare aad u badan waxaa ku dhintey dad aad u badan oo gaaraya 40 qof waxaana ku dhaawacmay dad badan 80 qof, oo badankood la geeyey isbitaalka Laascaanood.

Ma jirto cid ku dhex jirta oo isku daydey in ay dagaalka joojiso, marka laga reebo baaqyo warqado ku qoran oo la direy maaheen.

Labada beelood ee dirirtu u dhexeyso ayaa shidada dhextaalaa muddo dheer soo jiitameysey sanadkii 2004 ayaa heshiiskii u horeeyey la dhex-dhigey, laakiin ma noqon heshiiskaas iyo kuwii ka danbeeyey kuwo wax tara.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s