Diyaarado sida Gawaadhi aan xabadu karin ayaa beryahan ka soo degaayey Baydhabo…

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay in magaalada Baydhabo ku soo daadgureyneyso diyaarado sida baabuur aan xabada karin.

Shariif Xasan ayaa sheegay in aanay horay dowladda Baydhabo u keeni jirin baabuur, balse haatan u muuqato musharaxiin la soo magacaabay ay sii siisay baabuurtaas.

Waxaa uu sheegay in dadka reer Koofur Galbeed ay yaqaanaan dadkii ay dooran lahaayeen.

Shariif Xasan ayaa tilmaamay inay rajeynayaan in doorashada Koofur Galbeer ay si nabad u dhici doonto.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Baydhabo gaaray diyaarado siday ciidamo iyo gawaari aan xabadaha karin oo ay la socdeen labo ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, kuwaasoo ay taageereyso dowladda.

Dhinaca kale Banaan bax looga soo horjeedo faragelin la sheegay in dowladda ku heyso Baydhabo iyo doorashada Koofur Galbeed ayaa maanta ka dhacay Baydhabo, waxaana lagu

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s