Golaha Iskaashiga oo ka hor yimid baaqii ka soo yeeray Madaxweyne Farmaajo

Dowlad Goboledyada dalka ka jira ayaa mar kale ku gacan seeray baaqii ka soo yeeray Madaxweynaha Somaliya Maxamed C.laahi Farmaajo, kaasi oo ahaa inay wada hadal isugu yimaadaan.

CabduLLAAHI Sheekh Xasan Wasiirka Dastuurka Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed ahna Afhayeenka dowlad Golaha Iskaashiga dowlad Goboledyada oo dhan oo la hadlay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in warqadda casuumaada Madaxweynaha ay ka arkeen kaliya baraha Bulshada.

Wuxuu sheegay inay ka war sugayaan dhexdhexaadinta ay wadaan xubnaha Aqalka Sare ee dalka, islamarkaana casuumadda Madaxweynaha aysan soo gaarin xafiisyadooda.

“Warqadaasi annaga ma aanu arkin, balse baraha bulshada ayay dhex yaaceysaa, mar waxaa la leeyahay madaxweynaha ayaa qoray, marna wasiirka arrimaha gudaha ayaa qoray, annaga xafiiskeena weli ma soo gaarin warqadda, hadii ay soo gaarto ayaan ka hadli karnaa”. ayuu yiri CabduLLAAHI Sheekh Xasan.

Shalay ayeey aheyd markii Madaxweynaha Somaliya Maxamed CabduLLAAHI Farmaajo uu soo saaray baaq mar kale uu ugu gacan haatinaayo Madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira si ay isugu yimaadaan wada hadal.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s