Qorshaha Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmaajo uu door weyn ka ciyaarayo Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Qorshaha Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmaajo uu door weyn ka ciyaarayo Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo laga soo doorto deegaanada Koofur Galbeed isla markaana si gaara ugu xiran Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed ayaa saxiixay Mooshinka la doonayo in Baarlamaanka laga geeyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu eedeynayaa inuu ku guul-dareystay arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha loo dhanyahay, waxaana bilow taagan howlihii aasaasiga u ahaa 2020-ka sida: Federaaleynta, Dhameystirka dastuurka, sharciyada iyo qaabka doorashooyinka, dhismaha ciidamada xoogga dalka, xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo tallaabooyinkii looga baahnaa dowladnimada.

Xildhibaano xalay ku kulmay Magaalada Muqdisho oo laga soo doorto deegaanada iyo Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyay inuu si toos ah faraha ugula jiro Doorashada Koofur Galbeed, iyadoo Villa Somalia lacago malaayiin Dollar ah ay ku bixisay diyaar ololaha doorashada sida ay sheegeen Xildhibaanada.

Villa Somalia ayaa ku howlan daminta Mooshinkan si banaanka uusan u imaan oo Baarlamaanka aan loo horgeyn, waxaana Hotelada ugu waa weyn Magaalada Muqdisho ka socda Kulamo kala duwan.

Qaar ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa beeniyay inay ku jiraan liiska xubnaha saxiixay Mooshinka iyagoo sheegay in magacyadooda in laga been abuurtay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s