Xarakada Al Shabaab ayaa sheegtay in Qarax ay Saaka Waaberigii la eegteen ciidamo Katirsan Midowga Africa ay waxyeelo kala duwan ku gaarsiiyeen

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegtay in Qarax ay Saaka Waaberigii la eegteen ciidamo Katirsan Midowga Africa ay waxyeelo kala duwan ku gaarsiiyeen.

Qaraxa ayaan Al Shabaab aysan soo bandhigin nuuca uu ahaa,balse ay sheegeen in lagu beegsaday Kollonyo Ciidanka Itoobiyaan Ahaa.

Deegaanka Ceel gaal oo duleedka B/weyne 20KM ujira ayaana Qaraxa uu ka dhacay,waxaana dadka deegaanku sheegeen in muddo ciidanka ay xirteen wadadaasi.

War Rasmi ah oo Al Shabaab Barqadii Maanta kasoo baxay ayey ku sheegeen inay ku dileen kuna dhaawaceen 30 Askari oo itoobiyaan ah Qaraxaasi.

Ma aysan kala saarin al Shabaab Qaraxaasi inta ku dhimatay iyo inta ku dhaawacantay,waxaana ciidankaas la beegsaday ahaayeen kuwo ka baxay Magaalada B/weyne kuna sii jeeday Dalkooda.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s