Maxaa laga baran karaa go’aankii cafiska ahaa ee ay qaateen Beesha Suldaan Xasan Cali

Cafisku waa shay uu alle ku gallado ummad ama ruux dulmi (jariimo) kala kulmay ibnu aadan kale iyadoo la adeegsanayo falal waxyeelaynaya nafta uu allaah ugu nimceeyay ibnu aadamkiisa.

Ma dhacdo in badanaa ummad qarnigan 21-aad nool %100 laga dhex arko bulsho kuwada nolol cadaalad iyo dulmi la’aan si kale hadii aan u iraahdo dadka Soomaalida ee maanta nool waxaa dhex maray colaado sokeeye dalkoodii oo burburay waxa uu dhaxalsiiyay in ay u kala jabaan qabaa’ilo taasi oo ugu dambeyn natiijada laga helay ay noqtay reer reer kale la calooba ,tusaale ahaan 20-kii sano ee ugu dambeeyay waxaa dhagaha dadka ku badnaa dagaalo ahli ah oo dhexmara qabaa’ilo uu alle kuwada abuuray arligan gaar ahaan hal deegaan ama (magaalo) taasi ayaa noqotay in ilaa maanta la maqlo ereyo ay ay kamid yihiin beelo la heshiisiinayo,dagaal dhex maray labo beelood iyo IWM.

Hadaan mowduucayga ku saabsan Cafiska dib ugu soo laabto dhacdadii uu si kam ah ugu dhintay Suldaan Xassan Cali Jibriil 21 bishii September waxa ay noqotay mid bulshada qeybeheeda kala duwan dareen gaar ah ku abuurtay sida culimada,isimada dhaqanka iyo nabadoonada kuwaasoo ka gaashaantay in falkaasi uu ka dhasho dagaal ahli ah oo ka dhex curta beelweynta Warsangeli si gaar ah beesha Aadan Saciid oo ah beesha uu ka baxay AUN Suldaanka oo caro ay ka qaado dhacdadan dagaal ku badasha balse go’aankii ay soo saareen beesha uu ka baxay AUN Suldaan Xasan Cali Jibriil ayaa noqotay mid dhif iyo naadir ay gaaraan beelaha Soomaaliyeed ee fal nabadgelyadooda wax u dhimo kara ay dhex marto.

Waxa ay qaateen go’aano geesinimo leh oo ay ku dheehan tahay ilaalinta nabadgelyada beelaha walaalaha ah ee wada nool, ka shaqeynta amaanka iyo waxa ay naftooda ku qanciyeen oo ah samir ay ka yeeshaan Suldaankoodii qiimaha kulahaa xagooda iyo xagga bulshada Puntland ee soomaaliyeed ee uu allaah ka oofsaday ka sokowna uu ku baxay gacan bini’aam.

Go’aanka beesha Aadan Saciid ee Warsangeli ay dil iyo diya’ba ka cafiyeen Maxamuud Cismaan Sugulle oo ah ninka uu gacantiisa ku baxay Suldaan Xassan Cali Jibriil ayaa noqday mid xal looga gaaro xiisad dhexmarta beelo walaalo ah oo deegaan iyo dadba wadaaga ,waxa uu nqoday go’aankan mid xag alle ka baajiya dagaal uu dhiig ku daato oo beelo dhul iyo dhal wadaag dhexmara.

Go’aanka ay gaareen beesha Aadan Siciid waxa uu tusaale u noqday Beelaha kale ee Soomaaliyeed waxa uu suulinayaa dulmiga iyo falalka kale ee dhexmaro beelo walaalo ah Islaam ah oo Soomaali ah, Waxa uu keenayaa nimco eebe ,waxa uu maalinta qiyaame qofka ama bulshada cafiska ka doorbida aargoosiga uu alle ugu abaalmarinayaa janno uu ballaceedu la egyahay ballaca cirka iyo dhulka sida ku xusan 133-1334 ee suurada AL-Cimraan.

﴿ وَسَارِعُوا إِلَى مَغْفِرَةٍ مِنْ رَبِّكُمْ وَجَنَّةٍ عَرْضُهَا السَّمَاوَاتُ وَالْأَرْضُ أُعِدَّتْ لِلْمُتَّقِينَ * الَّذِينَ يُنْفِقُونَ فِي السَّرَّاءِ وَالضَّرَّاءِ وَالْكَاظِمِينَ الْغَيْظَ وَالْعَافِينَ عَنِ النَّاسِ وَاللَّهُ يُحِبُّ الْمُحْسِنِينَ ﴾ [آل عمران: 133، 134].

“Udadaga dambi dhaaf rabigiin xagiisa ka ahaatay iyo janno uu ballaceedu la mid yahay ballaca cirarka iyo dhulka oo laysku daray ,janadaas oo loo diyaariyay kuwa dhowrsada.

Kuwaas oo ah kuwa xoolahooda bixinaya marka ay dheefta haystaan iyo marka ay dhibban yihiinba.

Sidoo kale kuwaasi waa kuwa caradooda qarinaya ee dadka iska cafinaya ilaahayna waa jecel yahay kuwaas wanaagga samaynaya”.

Sidaas darteed dambi dhaafka iyo cafiska ay isu muujiyeen beelweynnta Warsangeli waxaan alle ka baryaynaa in uu noqdo mid beelaha kale ee Soomaaliyeed u horseed cafis dhexdooda ah oo koonkan aynu kaga noolnahay dunida ka suuliya dulmiga iyo dagaalada ahliga ee aafeeyay dalka.

Xigasho Horseed Media

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s