Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo loo qabtay Musharaxa Madaxweynaha Puntland Khalif Ciise

Munaasabadaan oo  si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay aqoonyahan , siyaasiyiin, haween,  dhalinyaro iyo guud ahaan jaaliyada reer Puntland ee ku dhaqan magaalada London, ujeedada munaasabada ayaan daaranayd soo dhawayn loo samaynay Generaal Khaliif Ciise Mudan oo ka mid ah musharaxiinta u loolamaya madaxtinimada Puntland sanadka 2019.

Munaasabada oo saacado socotay waxaa lagu soo bandhigay suugaan iyo heeso kala duwan oo lagu taageerayo musharax khaliif Ciise Mudan, sidoo kale waxa iyaguna goobta ka hadlay dadkii kasoo qaybgalay munaasabada waxayna tilmaameen in khaliif uu yahay shaqsi ummada soomaaliyeed wax badan usoo qabtay, waxayna carabka ku dhufteen in uu yahay shaqsi u qalma hogaaminta Puntland, sidoo kale waxay halkaas kasoo jeediyeen kelmado u badan dardaaran oo hadii uu xilkaas ku guuleysto looga baahan yahay in uu wax badan ka qabto.

Wasiirkii Hore ee arimaha gudaha Puntland Generaal Cabdilaahi Ilko Jiir oo goobta ka hadlay waxa uu jaaliyada reer London uga mahadceliyay soo dhawaynta ay u sameeyeen musharax, waxa uuna aad ugu dheeraday xaalada siyaasadeed ee Puntland, marxaladihii uu dhismaheedu soo maray, waxa khaldamay iyo sida loo sixi karo, waxa uuna ugu danbayn sheegay in Khaliif uu yahay shaqsi karti badan oo mudan maanta in lagu aamino hogaanka Puntland uuna aaminsanyahay in uu wax badan ka badali doono.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s