Xisaabiyaha Guud ee dowladda oo si kulul u weerartay Wasiirka Maaliyadda (Faragelin iyo marin habaabin…

Xisaabiyaha Guud ee dowladda Faadumo Cusmaan Faarax ayaa ku eedeysay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya inuu faragelin ku haayo Xafiiskeeda, iyadoo u qortay warqad kulul oo ay ku ogeysiisay Wasaaradaha Xukuumadda, Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Warqadan oo ku taariikheysneyd 1-da bishan November oo ay heshay Jowhar.comayaa cinwaan looga dhigay jawaab celin Faragelinta Xafiiska Xisaabiyaha Guud iyo Marin habaabinta Wasiirka Maaliyadda.

Xisaabiyaha Guud ayaa ku eedeysay Wasiirka Maaliyadda inuu xafiiskiisa ka socdo qas iyo xadgudub maamulka maaliyadeed ee dalka, iyadoo ka jawaabeysay warqad ka soo baxday Xafiiska Beyle 31 October, kaasoo ay ku tilmaamtay inuu ka muuqday handadaad iyo isku day la doonayo in lagu rabaayadeeyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud, si uusan u gudan waajibaadka qaanuuniga ah.

“Waxaan rabaa inaaninaan ku xusuusiyo labada Xafiis ee Wasiirka Maaliyadda iyo kan Xisaabiyaha Guud ee Qaranka ay howlahooda kala madax banaan yihiin , waxaan kaloo ku xusuusinayaa in  shaqaalaha xafiiska Xisaabiyaha Guud aysan ka mid aheyn kuwa Wasaaradda Maaliyadda, aadna ku laheyn magacaabis”ayaa lagu yiri Warqada ka soo baxday xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

Ugu dambeyn Xisaabiyaha Guud ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay warqad ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Maaliyadda oo aan heysan wax sharciyad ah.

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s