Qaar kamid ah caruurta uu dhalay suxufigii la dilay ee Jamal Khashoggi ayaa codsaday in lagu soo wareejiyo meydka aabahood si ay u aastaan,

Labada wiil ee uu dhalay Marxuum Khashoggi oo lagu kala magacaabo Salax iyo Cabdullahi ayaa wareysi ay siiyeen telefishinka CNN ku sheegay in ay weli rajo ka qabaan in dowlada Sacuudiga ay kusoo wareejiso meydka aabahood, iyagoo sheegay inay doonayaan inay ku aasaan qabuuraha magaaladii uu ku dhashay ee Madina.

Salax Khashoggi oo dhawaan loo ogolaaday inuu kasoo dhoofo magaalada Riyadh ayaa sheegay inuu weli rajo ka qabo in Boqorka Dalkaasi ee Salmaan uu sameyn doono waxa ay fareyso shareecada islaamka iyo in uu maxkamad soo taagi doono dadkii ku lug lahaa dilkaasi.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s