Wejigii 1aad ee Heshiisiinta Beelihii ku dagaalamay Dhumay oo dhamaaday

Guddi Nabadayn ah oo ka kooban 40 Odayaal Dhaqameed oo ka kala yimid Magaalooyinka Buuhoodle, Laascaanood, Garoowe, Gaalkacyo, Ismaamulka Somalida Ethopia iyo Meelo kale oo kamid ah dhulka Somalidu degto ayaa ku guleeystay in ay soo afjaraan Wejigii koowaad ee lagu xalinayay Xiisadihii dhexmaray Beelaha walaalaha ee Maleeshiyaadkooda ku dagaalameen Deegaanka Dhumay ee Koonfurta Gobolka Sool.

Dadaalkaan oo umuuqda mid guulesytay ayaa soo socday Muddo Laba Todobaad ah oo ay odoyaasha wada fadhiisteen Deegaanka kuwaas oo ugu dambayn soo saaray heshiis ka kooban Lix Qodob kuwaas oo hordhac u ah heshiiska wejigiisa labaad oo lagu wado inuu ka dhaco Magaalada Jig-Jiga ee Caasimadda DDS.

Halkaan Akhriso Qodobada laga soo saaray Heshiiska nabadaynta:-

1)In Xabadda la Joojjiyo si shuruud la’aan ah.
2)In labada beelood ay nabadda qaataaan
3)In gogosha xigta ee nabadeynta la dhigo magaalada Jig Jiga ee caasimadda dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia.
5)In labada beelood iska soo xulaan min 21 Xubnood oo ergo ah.
6)Iyo in ay ku soo diyaar-garooban mudda saddex cisho ah.

Weijiga Labaad ee heshiiska ayaa looga arinsan doonaa Sida lagu xalin karo dhamaan tabashooyinka ay ka kala qabaan labada dhinac iyadoona xalintooda loo marayo Hanaa ku sallaysan waxa ay shareecada ka qabto.

Xaaladda Deegaanka Dhumay ayaa Deggan iyadoona shacabka deegaanadii lagu dagaalamay lagu wado in ay dib ugu laabtaan Deegaanadoodi oo ay Muddo Barakac ahaan uga maqnaayeen.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s