Maryihii Garoonka Diyaradahaee Degmada Jowhar oo xaaskiisii oo uur lahayd ku dillay magalada Jowhar

Wararka mags soo gaaraya magalada jowhar ayaa sheegaya in xallay fiidnimaddii uu dil ka dhacay magala jowhar

Dilka ayaa waxaa geystay Maareeyihii Hore Ee Garoonka Degmada Jowhar Ibraahim Cali Dheere,waxaana uu toogtay Xaaskiisa oo aheyd Xaamilo xilli dhalmeedka usoo dhawaa.

Marxuumada la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Jamiilo Xasan Sheekh Ibraahim,muran afka ah iyo khilaaf qoys oo soo kala dhex galay Awgeed ayaana keentay in Ibraahim uu bistoolad uu watay rasaas ku shanaqo Xaaskiisa.

Mid ka mid ah Ehelada Qoyskaas ayaa Idaacad Maxali ah oo Jowhar ku taalla usheegtay inay isku dayeen dhex galka buuqaas,balse qadarta ay dhacday.

Wararkii ugu dambeeyey Ee Saaka Jowhar ka helayno ayaa sheegaya in Maareeyihii hore Ee Buubaay Dageenka Jowhar Ibraahim Cali Dheere la qabtay oo ciidamada Amniga ay xabsiga dhigeen.

Ma ahan dhacdo cusub in sargaal uu xaaskiisa dilo,dhif iyo nadir ayey ahaan jirtay dilalka nuucaan oo kale ah inay ka dhacaan Soomaaliya balse waayahaan dambe waa ay soo badanayeen.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s