Ciidamo lagu sheegay Police oo maanta loo daabullay Baydhabo

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah oo laga soo doortay Koofur Galbeed ayaa qeyla dhaan ka soo saaray Ciidamo maanta laga dejiyay magaalada Baydhabo, kuwaasoo laga diray magaalada Muqdisho.

Xildhibaano uu hormuud u yahay Sheekh Aadan Madoobe oo shir jaraa’id ku qabtay Baydhabo ayaa sheegay in ciidamadan la keenay Baydhabo ay halis ku yihiin amniga, isagoo ugu baaqay dowladda federaalka inay dib u celiso.

“Waleeg dowladda Federaalka labo askari xataa uma soo dirin, maanta oo doorasho nabadgelyo ku socoto ay ka dhaceyso miyaa ciidan loo soo dirayaa, Cadawga ciidan looma soo dirin, shacabka ayaa ciidamo loo soo diray waa arrin is weydiin mudan”ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay Madaxda dowladda in aysan dalka cuqubo ka gelin oo aanay gacantooda ku dimin, isagoo xusay inay ka soo horjeedaan in wax lagu qasbay shacabka in la sameeyo.

Xaalad  ayaaka dhalatay Ciidamo Boolis ah oo maanta laga dejiyay Baydhabo, iyadoo ciidamadaas laga diray magaalada Muqdisho, la qorsheynayo inay ka qeyb qaataan sugida amniga doorashada Koofur Galbeed, balse waxaa jira walaac laga qabo in ciidankaas ay arrimo siyaasadeed ku lug yeeshaan.

Waxaan xog ku helay in ciidanka lagu sheegay in ay Boolis yihiin ee saakay Badhabo loo daabulay ay yihiin kuwii  soo weeraray 17 December e sanadkii hore , hoygayga  C/Rahman Abdi shakuur kuwaasoo dilay 5 wiil oo ilaaladayda ahayd, xabaal wadareedna ku aasay. Keliya waxaa laga bedelay magacii iyo dharkii NISA oo waxaa loo geliyey dhar Booliska. Shaki iigama jiro in ay fidno iyo fadqalalo ay Baydhabo ka abuurayaan. Sanad ka hor ayaan shacabka uga dignay ujeedka kooxda Villa Somalia. Waa Ilaaheey mahadii in badan ay haatan soo baraarugeen. Fariinteenu in nacasnimo talinta caynkaan oo kala ah, keliya lagu celin karo awood shacab oo midaysan.

Image may contain: outdoor

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s