Koonfur Galbee d oo Dorashadii Dib loo dhigay Mar Sadexaad

Waxaa markii saddexaad dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed, iyadoo 5-ta bishan oo ku beegneyd Arbacada soo socota lagu waday inay dhacdo.

Labo jeer oo hore ayaa dib loo dhigay, waxaana xaalada Koofur Galbeed muuqataa mid allow sahal ah, marka loo eego xaaladaha ka jira Baydhabo.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in 19 bishan la qaban doono doorashada Madaxweynaha, iyagoo u sababeeyay howlaha baaxada leh, waqtiga ay heystaan iyo shaqooyinka qabyada ee u baahan in muddo cayiman gudaheed lagu qabto

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in markii ay ogaadeen martida caalamiga ah iyo xubnaha goobjooga ka noqonaya doorashada aanay ku wada imaan karin waqtigii loogu tala galay.

Waxaa kaloo Guddiga ku sababeeyay dib u dhaca doorashada in aanay u dhameystirneyn qalabkii doorashada lagu qaban lahaa, sidaas Guddigu ku go’aansaday in doorshadii lagu waday inay dhacdo 5 december dib loo dhigay, lagana dhigay 19 bisha December.

Ugu dambeyn Guddiga ayaa raalli gelin ka bixiyay dib u dhaca ku yimid doorashada markii saddexaad.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s