Taliyihii Qeybta 12 April iyo Abaanduulaha oo lagu dilay Qarax Miino ka dhacay duleedka Muqdisho

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Taliyihii qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Jen. Cumar Aadan Dhabad (Cumar Dheere) lagu dilay qarax miino.

Sida wararku sheegayaan qaraxa miino ayaa Kolonyo uu la socday Taliyaha lagula eegtay agagaarka deegaanka Dhanaane ee koofurta Muqdisho, gaar ahaan dhanka wadada Xeebta.

Qaraxa ayaa lala beegsaday xilli Taliyaha iyo kolonyadiisa ay ka soo laabteen deegaanka Dhanaani oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada xoogga dalka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxa uu sidoo kale ku geeriyooday Abaanduulaha qeybta 12-ka Jen. Cabdi Cali Jamaame iyo illaa 7 askari oo kale.

Jen Cumar Dheere ayaa dowladdii KMG aheyd wasiir Kuxigeen iyo Xildhibaan ka soo noqday, wuxuu ka mid ahaa saraakiishii hore ee ciidanka.

Meydka Taliyaha iyo abaanduulaha ayaa loo soo qaaday dhanka magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s