Khilaaf soo Kala Dhexgalay Madaxweyne Xaaf iyo Hogaanka Ahlu-suna!!

Wararka ka imaanaya Magaaladda Dhuusa-mareeb ayaa ku waramaya in uu jiro khilaaf haatan u dhaxeeyo Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Ducaale Geelle(Xaaf), iyo Hogaanka Maamulkii Ahlusuna Waljameeca.

Khilaafka ayaa salka ku haya Doorashada madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Galmudug oo Maamulkii Ahlusuna ay doonayaan in loo doorto shaqsi dhankooda ka socda, halka Xaaf uu doonayo in Madaxweyne ku xigeenkiisa noqdo ruux ay isku dhawyihiin si looga baaqsado khilaaf.

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo khilaafka soo kala dhex galay Madaxweynaha Galmudug Axmed DucaalleGeelle (Xaaf) iyo hogaanka sare ee Ahlu-suna, gaar ahaan Gudoomiyaha Ahlusuana Macalin Maxamuud ayaa soo bilowday tan iyo markii Xildhibaanada Galmudug garabkooda fadhiya Magaalada Dhuuso-Mareyb ay shaaciyeen in xilkii madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi ay ka xayuubiyeen Cabdi Xaashi Carbeey.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaaladda Dhuusa-mareeb ayaa ku waramaya in madaxweynaha Galmudug uu dadaal ku bixinayo in la xaliyo khilaafka haatan jira.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s