Guddidii loo xilsaray Khi laafka Shir Gudoonka Parlamanka oo maanta la kulmay sadexda Shirgudoon

Kadib khilaaf soo jiitamayey tan iyo 8-deeddii bishan waxaa maanta Muqdisho kulan gaar ah ku yeeshay guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah Maxamed Mursal iyo ku-xigeennadiisa 1aad iyo 2aad. Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudeey iyo Mahad Cabdalla Cawad. Waxanna ka masuul ahaa in ay isasoo horfadhiistaan Guddi 10 qof oo arinta loo xilsaaray

Qodobbada la isku afgartay waxaa ka mid ahaa in baarlaamka isku duubnidiisa la ilaaliyo , oo looga dambeeyo guddoomiye Mursal wixii maamul iyo mas’uuliyaddiisa ah, waxaa kale oo lagu heshiiyey in ka guddoon ahaan is cafiyaan, iskana iloobaan is maandhaafka, oo weliba ay sida ugu dhaqsaha badan dib u bilaabato shaqadii golaha shacabka.

Sadexdii Arimood ee khilaafka billabay waxa lagu heshiiyay in iyagu dhexdooda ka dhamaystaan marka barlamaanka la furo

Xildhibaan Saciid Dahir oo ka mid ahaa gudida tobanka qof ah ee arintaa xilka iska saaray ayaa noo sheegay in wixii caqbad ahaa si fiican loo dhamaystiray laysna cafiyaya

Xildhibaanka oo ka mid ah xildhibaanada mar walba  u taagan xallinta wixii khilafaad ah oo ku soo koedha barlamaanka uu ka tirsanyahay

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s