Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Digniintii u Dambeysay u diray Madaxda Dalka (Roobow kusaabsan)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh CabdiRAXMAAN ayaa Maanta digniintii ugu dambeysey u direy Madaxweyne Farmaajo, una sheegey in si deg deg ah loo sii daayo Musharax  Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ay Dowlada Federaalka ay ka soo afduubtey Magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa si weyn uga caroodey Raisul Wasaare Kheyre maadaama ay balanta aheyd in si deg deg ah lagu sii daayo Musharax Roobow laakiin weli Farmaajo iyo Kheyre aysan weli fulinin arintan.

Sarkaal ka shaqeeya Xafiiska Guddoomiyaha ayaa inoo sheegay in Digniintii ugu dambeysay uu u diray Madaxda Dalka si xuriyadiisa dib loogu celiyo Mukhtaar Roobow.

Si kastaba ha ahaatee Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa cadaadis xoogan kala kulmaya Odayaasha iyo Waxgaradka deegaanda Koofur Galbeed oo ku cadaadinaya inuu xabsiga Dowlada kasoo daayo Roobow oo taageero badan kaheysta Shacabka Koofur Galbeed.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s