Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya rag hubeysan oo caawa fiidkii dilal toogasho ah ka fuliyay bartamaha magaalada Boosaaso.

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya rag hubeysan oo caawa fiidkii dilal toogasho ah ka fuliyay bartamaha magaalada Boosaaso.

Sida wararku ay sheegayaan Rag ku hubaysan bastoolado ayaa toogasho ku dilay Sadex askari oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen ciidamada daraawiishta Puntland gaar ahaan kuwa qaabilsan howlagalada buuraha Galgala ee Dhiirane.

Goob jooge ka agdhawaa halka uu dilku ka dhacay ayaa HM u xaqiijiyay geerida sadexdan askari iyo dhaawac soo gaaray hal askari waxaana uu hadalkiisa intaasi ku daray in ragga la dilay loogu tagay goob mehrad ah oo u dhow xarunta dhexe ee shirkada isgaarsiinta Golis.

Dhacdadan ayaysan wali ka hadlin laamaha amaanka ee gobolka Bari inkastoo ay dilka kadib goobta gaareen ciidamada amaanka kuwaas oo baaritaano ka bilaabay goobta dilka uu ka dhacay.

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa faraha ka baxay amaanka guud ee magaalada Boosaaso mana jirto faahfaahino dheeraad ah oo ay bixiyaan lamaaha amaanka kadib marka ay dhacaan falalkan noocan oo kale ah waxaana xusid mudan in ciidamada amaanka ay howlagalo ka wadaan gudaha magaalada.

Wixii warar ah ee kusoo kordha dib ayaan idinkala socodsiin doonaa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s