Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa u Magcaabay guddoomiyaha gobolka Jubbada Dhexe  Haajir Bile Sugaal.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”ayaa wareegto uu soo saaray ugu magacaabay guddoomiyaha gobolka Jubbada Dhexe  Haajir Bile Sugaal.

Wareegtadan oo maanta soo baxday ayaa waxaa ay ku soo beegantay xilli uu Madaxweynaha Jubbaland ku dhowaaqay inuu dagaal ku qaaday deegaanada ay ururka Al-Shabaab maamusho oo ka tirsan Maamul Goboleedka Jubbaland.

Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxaa gebi ahaanba maamula ururka Al-shabaab iyadoo saldhigyada ugu waaweyn ee Al-Shabaab ay ku yaalaan gobolka Jubbada Dhexe.

Dowlada Federalka ayaa sheegtay maanta in howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada DANAB iyo ciidamo Maraykan ah ay howlgal ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ayna ku dileen saraakiil isugu jirta Soomaali iyo ajnabi oo ka mid ah madaxda ururka Al-Shabaab.

Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxaa uu ka kooban yahay degmooyinka kala ah Bu’aale,Jilib iyo Saakow. Degmada Bu’aale ayaa ah magaalo madaxda Maamul Goboleedka Jubbaland sida ku qoran dastuurka Jubbaland.

Halkan Hoose ka Aqriso Wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Axmed Madoobe

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s