Wasiirkii Arimaha gudaha Somalia oo ku fashilmay dadaal uu ka waday Gobolada Dhexe

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo ku baxay xalinta colaada beeleedyada ka socday deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa ku guuldareystay dalabaad ay wateen.

Wafdigan ayaa gaaray deegaanka Gelinsoor ayaa dib ugu laabtay magaalada Cadaado oo ay maalin ka hor tageen, waxaana la sheegay in loo diiday dalabaad ay wateen sida inay gogol dedeg u dhigaan beelaha dagaalamaya iyo in lagu soo wareejiyo maxaabiis.

Labo askari oo Itoobiyaan ah oo la sheegay in lagu qabtay dagaal beeleedyada ka socday Kaxandhaale ayaa lagu wareejiyay waxgaradka dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, waxaana maxaabiistaas wareejiyay waxgarad ka socday degmada Gelinsoor iyo xubno ka tirsan Galmudug.

Wafdiga dowladda Soomaaliya u dirtay xalinta dhibaatada ka taagan deegaanka Kaxandhaale oo maalmo ka hor dagaalo ku dhex mareen labo maleeshiyo beeleed ayaa la filayaa inay dib ugu soo laabtaan Muqdisho, maadaama ay ku guuleysteen dadaaladii ay wadeen.

Hase ahaatee odayaasha deegaanka labada dhinac ka soo jeeda ayaa waday dadaalo is-daba joog ah, waxaana la filayaa in munaasabada lagu heshiisinayo labada beelood ay maanta dhacdo deegaanka Kaxandhaale.

Qeybo ka mid ah Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday dagaal beeleedyo salka ku hayay murano dhul daaqsin iyo aanooyin ay kala tirsanayeen beelo wada dega, waxaana dagaalo dhex maray maleeshiyo beeleedyo ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s