Run u sheegida Dadkaaga maqaal xiiso leh

Run u Sheegidda Dadkaaga

Shalay aniga oo aqrinaya saxaafadda aduunka ayaa waxaan la aqriyay warbixin laga qoray Dr. Mahathir, hogaamiyaha dalka Malaysia, taas oo uu uga hadlayay caajiska dadkiisa inuu sabab u yahay in wadamo dariskooda ah ay dhaqaalo ahaan ka hormaraan.
Waxa uu tusaale u soo qaatay dalka Vietnam oo uu sheegay in mar dhaw ay dhaqaale ahaan ka hor mari doonaan dalkiisa sababtuna ay tahay dadka reer Vietnam oo ah kuwo birta calashada, meesha dadkiisu ay yihiin caajislowyaal. (ka eeg lifaaqa)

Meshaas marka ay marayso ayaan kaligeey fakaray oo aan is iri toloow hadii hogaamiyeyaasha Soomaliyeed dadkooda runta u sheegi lahaayeen ka waran?
Waxaan xasuustaa in aan mar walba is amaanno oo aan dhagaheenna u raaxayno. Marar badan baad maqlaysaa wadankeena waa barwaaqo, waxa aynu nahay dadka aduunka ugu geesisan iyo wax la mid ah. Waa hubaal in dadkeenu iyo dalkeenuba wanaag badan leeyihiin laakiin wanaagaas aan la heli karin hadii aanan dhaqankeena wax ka badalin.

Hadaba hadii aan isku fiirinno dalalka dariskeena ah, waxaa marag ma doonta ah in ay dhaqaalo ahaan hadda naga horeeyaan, iyaga oo waliba sidaas ah ayaan hadana ka caajis badannahay.
Waxaa jira dad badan oo Kenyan ama Ethopian ah oo noo shaqeeya oo waliba nooga shaqeeya shaqo aan xirfad u baahnayn labo sababood awgeed:
1- Caajiska qofka Soomaliga ah dartiis.
2- Mushaarka qofka Soomaliga ah oo aad uga qaalisan kan dadyowga dalalka dariska ah.

Waxa ay taasi keentay in shaqooyin badan ay ku soo cariiriyaan dadkeena sida:
– Shaqaalaha dhismaha
– Shaqaalaha farshaxanka iyo qurxinta
– Kariyayaasha maqaayadaha.
– Maamulayaasha hoteelada
– Kabalyeeriyaasha maqaayadaha.
– Iyo kuwa kale oo badan.
Waxaa xogaha qaar ii sheegeen in deegaanka dhulka Soomalida qaybo ka mid ah naloo ilaaliyo/raaco xoolaha.

Hadaba walalayaal suuragal ma tahay in ummad dhaqaalaha soo galo uu sidaa u yaryahay hadana shaqo aan diyaar u ahayn iyada oo waliba qayb muhiim ah oo dhaqaalaheeda ka mid ah ku bixisa qaadka in ay horumarto?
Marar badan baan maqlaa Soomaali leh, “Gaajo gobonimo leh ayaan ku noolaanynaa”. Waxa ay ila tahay gaajo gobonimo ma leh. Sayidnaa Cali ibn Abu Talib baa laga sheegay, “Haddii faqrigu nin ahaan lahaa waan dili lahaa”.

Hadaba walaalayaal masuuliyadda na saaran waa in aan runta isu sheegno si aan meel u gaarno.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s